Friday, December 28, 2007

Ururada Haweenka NAGAAD iyo Go'aanadii ka soo baxay Xidhitaankii Shirkaas










(Hadhwanaagnews) Hargeysa (HWN)- Shir ballaadhan oo muddo saddex maalmood ah uga soconayey Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa Haween tiradoodu gaadhayso 100 xubnood oo kala yimi dhamaan lixda gobol ee Somaliland iyo degmooyikiisa ayaa shalay halkaas lagu soo gabagabeeyey, isla markaana waxaa laga soo baaq sigaar ah ugu waajahan Xukuummada iyo Golaayaasha sharci-dejinta somaliland.


Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Gaboodka Ururada Haweenka NAGAAD ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, waxaana xidhitaankii shirkaas ka soo qayb galay Wasiirada ay ka midka yihiin Wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka Fu’aad Aadan Cade, Wasiirka Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax, Wasiir ku xigeenka Cadaalada Yuusuf Ciise Talaabo iyo Masuuliyiinta ka tirsan Gaboodka NAGAAD.

Wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka Md Fu’aad aadan Cade oo xidhitaankii shirkaas hadalo ka jeediyey, ayaa waxa uu aad ugu gubaabiyey Haweenku in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalka iyo dadkaba wax ugu qaban lahaayeen, isla markaana shirarkoodu aanay noqon kuwo inta ay isugu yimaadaan meel hadana ku kala tagaan uun, iyaga oo aan ka soo saarin wax natiijo midho-dhala.

Waxaa kaloo Wasiirku ku buuriyey Haweenka oo uu ku adkeeyey in aanay u furan Ururada iyo NGO-yada in ay lacag ku raadsadaan sidii ay ugu helilahaayeen, balse ay daacad ka noqdaan wax qabadka dalka iyo horumarintiisa. Waxaa kaloo uu intaa raaciyey Xukuumad ahaan wixii ka khuseeya baaqan in ay ka hawl-gelidoonaan.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga Md Cismaan Qaasim Qodax oo isna halkaa ka halay, ayaa si weyn ugu canaantay dumarku in ay dayaceen sheqadii lagu ogaa ee ahayd barbaarinta awlaada iyo guriga, isla markaana waxa uu sheegay in ay iyagu masuul ka yihiin arrimo badan oo ay ka cawdaan, sida gudniinka Fircooiga ah iyo guuldarada kala soo derista marka ay timaado doorashooyinku, isaga oo u soojeediyey haddii ay doonayaan in ay ka qayb qaataan talada dalka in iyagu is doortaan oo isu codeeyaan, halka ay cid kale uga codaynayaan, isaga oo tilmaamay in aanay markaa u baahnayn kooto loo sameeyo, maadaamoo haweenku raga ka badan yihiin ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Gaboodka Ururada Haweenka NAGAAD Marwo Sucaad Ibraahim Cabdi oo iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in muddadii uu socday shirkaasi in aad loogu falanqeeyey arrimo la xidhiidha garsoorka, ganacssiga iyo siyaasada, oo ay tilaamantay in ay yihiin arrimaha lafdharta u ah horumarka bulshada, waxaana ay u soo jeedisay dhinacyada uu khusaynayo baaqaasi in ay fuliyaan.

Marwo Sucaad waxaa kaloo a ay sheegatay in Urarada Haweenku intii ay qabankarayeen in ay qabteen, balse masuuliyadu ay dawlada saarayaan, iyada oo xustay in Xukuummada iyo Golayaasha sharci-dejituba in looga baahanyahay in ay baaqaas dabagal ku sameeyaan. Isla markaaa waxa ay mahadnaq u soo jeedisay ka qaybgalayaashii shirkaas.

Baaqaas laga soo saaray shirweynahaas Haweeka Somaliland yeesheen oo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana faahfaahsani waxa uu u qornaa sidan:

“Ka dib markii aannu aragney kaalinta haweenka ku leeyihiin horumarka wadanka iyo dib-dhiska.

Ka dib markii aannu aragney doorka ay haweenku ku leeyihiin ka qeybqaadashada kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo kaalinta siyaasyadda.

Ka dib markii aannu aragnay muhiimada ay leedahay in haweenku ka muuqdaan saaxada go’aan qaadashada.

Ka dib markii aannu aragnay muhiimada ay leedahay in haweenku ka qaataan kaalin mug leh dhamaan dhinacyada khuseeya noloshooda.

Ka dib markaanu aragnay baahida jirta ee dhinaca arrimaha bulshada, garsoorka, siyaasadda iyo dhaqaalaha

Waxa annaga oo ka kooban haween ka yimid lixda gobal (Sanaag, Sool , Togdheer, Saxil, Marodi jeex, iyo Awdal) ee Somaliland iskugu nimi shirkan oo soconayay muddo seddex maalmood ah 25, 26, 27 December 2007


Markii arrimahaa si qoto-dheer loo lafa guray waxa ay haweenka ka soo qaybgalay saareen baaq ku wajahan xukuumadda iyo golayaasha sharci dejinta oo ah sidan soo socata:

I. HAWEENKA IYO TALLADA DALKA.

1- In ay dawladu xaqiijiso xuquuqda dastuuriga ah ee ku qeexan qodabadda 8aad iyo 36aad ee sinaanta xuquuqda muwaadiniinta, waxa xukuumada Somaliland iyo golayaasha sharci dajinta loogu baaqayaa in ay soo saaran sharci xaqiijinaya ka qaybqaadashada haweenka ee taladda dalka.
2- Waxbarasho la xidhiidha kobcinta garaadka siyaasadda ee haweenka.
3- Sanduuq dhaqaale oo loo sameeyo haweenka.
4- In wacyigalin loo sameeyo haweenka, taasoo lagu dhiirigalinayo sidii ay haweenku iyagu tiirsan lahaayeen.



II. ARRIMAHA BULSHADA.


Dhinaca waxbarashada:-

1- In ay dawladdu hirgaliso waxbarasho baahsan oo ay ka faa’iidaystaan dhamaan qaybaha bulshada sida dadka saboolka, reer guuraaga, hablaha guryaha lagu hayo, waa in xukuumadu ay fidiso sida dastuurka waafaqsan waxbarasho bilaash ah ilaa heer jamacadeed ah,
2- Kor u qaadida haweenka xagga waxbarshada, gaar ahaan waxbarashada dadban. In la sameeyo goobo loogu tallo galey in kor loogu qaado tayada waxbarasho ee haweenka muddo ka maqnaa waxbarashadda.
3- In la tayeeyo waxbarashadda waa in kor loo qaado aqoonta barayaasha, isla markaana loo helo mushahar ku filan.

4- Ilo dhaqaale la sameeyo , lana sameeyo xirfada shaqo abuurid?

5- In la helo qorshayaal lagu hor marinayo tayada waxbarashada dadban ee haweenka oo u dhiganta ta asaasiga ah ilaa heer jamacadeed iyo abuurida xirfado shaqo.
6- Naafadda waa in la dhiirgaliyo sidii waxabarasho u heli lahaayeen.

Dhinaca caafimaadka:

1- In wasaaradda caafimaadku soo noolayso habka saami qaybinta gobollada ee shaqaalaha xirfada leh sida dhakhaartiirta iyo kalkaaliyayaasha sare. Si loo badbaadiyo hooyooyinka iyo dhalaanka u dhinta daryeel la,aan caafimaad xilliga dhalmada
2- In la loo fidiyo tababaro joogta dhakhaatiira, kalkaaliyayasha si ay u ogaadaan howlaha caafimaad iyo in la siiyo mushahar ku filan
3- In wasaaradda caafimaadku soo saarto qorshayaal lagu horimarinayo tababaro loo fidinayo dadka deegaanka (degmooyinka, tuuloyinka) ku nool. Si loo helo dad aqoon cafimaad leh
4- In kor loo qaado tayada goobaha caafimaadka illaa heer degmo, tuulo. Taasoo loo sameynaya xurmo caafimaad(MCH) goob kasta oo ay muhiim ku tahay.
5- In la soo saaro shuruuc xakamaynaya tayada dawooyinka lana helo wax lagu xadidayo farmisiiyada sida xad dhaafka ah u furmaya ee aan aqoon caafimaad lahayn.

6- Wasaaradda caafimaadka iyo wasaarada ganacsiga waa in ay si wada jir ah u soo saaraan shuruuc lagu joojinaayo dawooyinka maskax ahaan, jidh ahaan iyo caafimaad ahaanba wax yeeli kara qofka sida kuwa badala midabka.

7- In la sameeyo wacyigalin lagu joojinayo gudniinka fircooniga ah. Wacyigalintaasi waa in ay gaadho wadanka oo dhan ilaa heer tuullo,degmo iyo gobal.

III. GARSOORKA IYO HAWEENKA.

1- n la xoojiyo dhaqangalinta shuruucda la xidhiidha arrimaha qoyska, isla markaana la cadeeyo cidda ka masuulka ka ah hirgalinta shuruucda. Meeshana laga saarayo xeer-dhaqameedka iyo odey-dhaqameedyada.
2- Si loo yareeyo furiinka sii kordhaya wadanka waa in la dhiirigaliyo sidii loogu dhaqi shareecadda islaamka arrimaha la xidhiidha qoyska.

3- In la sameeyo shuruuc lagu xakamaynayo tacadiga haweenka loo gaysto, sida kufsiga ,garaacista. Khilaafaadka arrimaha qoyska waa in lagu xaliyo shareecada islaamka oo kaliya.
4- In la kordhiyo goobaha adeega sharciga ee haweenka aan awoodin in helaan adeeg sharciyeed, lana gaadhsiiyo goballada dalka oo dhan (legal Clinic).


IV. HAWEENKA IYO KOBCINTA DHAQAALAHA.

1- In xukuumadu soo saarto sharciga kala xadaynta ganacsiga si kor loogu qaado dhaqaalaha ganacsatada yar yar
2- Aqoonta haweenka in kor loo qaado.
3- In la adkeeyo sanduuq dhaqaale oo haweenka ganacsiga ku jiraa ay leeyihiin
4- In la xoojiyo meelaha ay ka jiraan guddiyo ganacsi ee haweenka, lana sameeyo meelaha aaney ka jirin.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
hadhwanaagnews.com Reporter
Hargeysa, Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com




Submited By hadhwanaag : 2007-12-28

No comments: