
Ogaal News Isniin 10.12.2007
“Annagu waanu jeclaan lahayn inaanu ka shaqo-galo Somaliland….waxaanuse sugaynaa uun OK-da Wasaaradda Khaarajiga”
Kabtanka Ciidamada Badda Maraykanka Geeska Afrika Bob Wright
“Guulaha Somaliland waxay yimaadeen iyada oo aanay reer galbeed iyo Maraykan waxba ka caawin, halka Soomaaliyadii guuldaraysatay boqolaalka milayan lagu bixiyo”
Wasaaradda Difaaca Maraykanka
Xarunta Pentagon
By Kevin J. Kelley
Nairobi (The East African/Ogaal)- Xeel-dheereyaal ajaanib ah oo siyaasaddaha gobolka Geeska Afrika u dhuun-daloola, ayaa si balaadhan u faaqiday hadalladii dhawaanahan ka soo yeedhayay dalalka midawga Yurub iyo Maraykanka ee la xidhiidhay siyaasadda Maraykanka ee Somaliland iyo masuuliyiintooda toddobaadyadii la soo dhaafay siyaabaha kala duwan uga hadlayay qaddiyada aqoonsiga Somaliland.
Faaqidaad dheer, oo ay khubaro kala duwani cabiraado kaga bixinayaan arrintaasna, waxa isku soo duway Suxufiga ka tirsan Wargeyska The East African Standard ee Kevin J. Kelley. Maqaal dheer oo uu afkaarihii khubarada ka ururiyay oo uu faafiyay wargeyskaasina waxa ay u dhignayd sidan: “Dooddaha adag ee ka dhex-bilaabmay maamulka Madaxweyne Bush, waxay suuragal ka dhigi karaan aqoonsi uu Maraykanku siiyo Somaliland, isla markaana taasi waa natiijo horseedaysa inay Maraykanku aad uga fogaadaan taageerooyinkii mudada dheer ee ay u hayeen dawladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya. Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Maraykanka oo aan la magacaabin, kaas oo toddobaadkii la soo dhaafay ku sheegay Wargeyska The Washington Post, in Xarunta Ciidamada Maraykanka ee Pentagon ay aaminsan tahay inay Somaliland noqoto dal madaxbanaan.
Hadalkani waxa uu soo baxay intii uu booqashada ku joogay Xoghayaha Difaaca Maraykanka Robert Gates, taasoo uu ku tegay dalka Djibouti, oo ay degen yihiin ciidamada Maraykanka ka jooga Gobolka Geeska Afrika. Sarkaalkani, waxa uu muujiyay oo uu arrintan ku xidhiidhiyay is-maan-dhaafka ka dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Xaruntooda Ciidamada ee Pentagon, ee ku wajahan siyaasadda Soomaaliya, khilaafkaas oo si naadir ah loo arko inuu banaanka u baxo. Ciidamada Maraykanka ka jooga Gobolka Geeska Afrika, ayaa iyagu jecel inay sii wadaan hawlgalladooda Somaliland, ‘Hase ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku jidkeedii ayay ku taagan tahay,’ waxa sidaa raaciyay Kabtanka Ciidamada Badda Maraykanka ee Bob Wright. “Waanu jeclaan lahayn sidaa!” Kabtan Wright wuxuu sidaa u sheegay Wargeyska The Washington Post. “Waxaanu annagu sugaynaa uun waa in Wasaaraddu (Arrimaha Dibadda) ay na siiso ogolaanshaha ‘OK.” Warka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Maraykanka, ee lagu soo jeediyay in Maraykanku aqoonsiga siiyo Somaliland, waxa sidoo kale, lagu dhaleeceeyay siyaasadda Maraykanka ee xilligan xaadirka ah ay ku doonayaan in dawlad dhexe oo awood leh laga sameeyo magaalada Muqdisho, taas oo looga dan leeyahay soo gebogabaynta qalalaasaha Soomaaliya ka soo taagnaa 16-kii sannadood ee la soo dhaafay. “Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay doonaysaa inay is-dhex taagto qaybtii burburtay marka koowaad — taasina waxay ahayd siyaasad guuldaraysatay,” sidaa waxa ku adkaystay sarkaalka u hadlay xarunta Pentagon-ka. Si taas ka duwan, ayaa war kale oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Maraykanka, waxa loogu soo jeediyay aqoonsi rasmi ah oo la siiyo Somaliland in la raacin doono arrin muhiim u ah istaraatiijiyada Maraykanka ee gobolka ku wajahan, oo taas lagu bedelanayo.
Somaliland, oo ku taala waqooyi/galbeed ee Soomaaliya, ayaa si aanay ugu kala hadhin ugu dhawaaqay madaxbanaanidooda sannadkii 1991-kii, waxaanay ku soo jirtay degenaanshaha qabaa’illadu u dhan yihiin, taasoo ah ta Soomaaliya ka maqan ee burburka aadka ugu xun u horseeday. Somaliland, waxay sidoo kale awoodday inay la timaado dawlad si dimuquraadiyad ah loo soo doortay. Guulahani waxay ahaayeen, kuwo ku yimi, iyada oo ay ay aad u yarayd, haddii aanay jirinba wax taageero ah oo ay reer galbeedku ku taageereen, halka Soomaaliya ay ka sii tahay waddan guuldaraystay, inkasta oo ay helayaan boqolaal milyan oo Doollarka Maraykanka ah, marka la qiimeeyo taageerooyinka Reer Yurub iyo Maraykanku siiyaan. “Somaliland waa qaran shaqaynaya,” sidaana waxa uu sarkaalka xarunta Pentagon ka tirsani u sheegay Wargeyska The Washington Post intii lagu guda-jiray booqashadii uu Robert Gates ku tegay dalka Djibouti. Masuuliyiin heerarka dhexe ah oo ka tirsan maamulka Maraykanka, ayaa booqashooyin ku tegayay sannadahan dambe, isla markaana hoggaamiyeyaasha dhulka goonida u go’ay, ayaa si taas la mid ah u tegayay magaalada Washington, iyaga oo raadinaya taageerooyin-dhaqaale iyo aqoonsi. Hase ahaatee, Maraykanku waxay ka cago-jiidayeen heshiis ay la galaan Somaliland, oo ay aqoonsi diblomaasiyadeed oo buuxa ku siiyaan, taasoo keenaysay werwerka ah in ay dhiirigelinayso tallaabada noocaas oo kale ahi burbur ilaa xad ah oo gaadhaya waddanka horeba u kala daadsanaa ee aan dawladda lahayn ee Soomaaliya. Rabitaan la’aanta Washington ee aqoonsiga sheegashada madaxbanaanida Somaliland, waxay sidoo kale, u xumaynaysay heshiiska Maraykanku kala leeyahay siyaasadda Ururka Midnimada Afrikaanka ee ah inaan la dhiirigelin dhulalka gooni-u-goosiga ah ee qaaradda Afrika gudeheeda ah. Xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsan amuuraha Afrikaanka Jendayi Frazer, ayaana fikirkaa ku caddaysay Wargeyska The Washington Post horaantii bishan. “Ma doonayno in aanu kaga horayno urur-qaaradeedka arrinta sidaas oo kale muhiimka u ah,” ayay kaga jawaabtay Ms Frazer fariin ay khadka e-mail-ka Wargeyska Post ku su’aaleen arrintaas.”
No comments:
Post a Comment