
Wasiirka Ganacasiga oo ka hadlay Sicirbararka Maciishada iyo Awooda Wasaaradiisu leedahay.
Published Dec 02, 2007 - 01:05 AM by siciid
annigu waxaan deganahay Istaad-hawska waxa igu xeeran inta dadka ugu danyarsan, gurigayga ayey yimaadaan dumarka iyo carruurtu iyagoo leh intaas oo maalmood waxba maanu karsan. Cismaan Qaasim Qodax Wasiirka Ganacsiga
Wasiirka Ganacsiga oo Shaaca ka Qaaday Awood-darro ku Habsatay Wasaaraddiisa
Hargeysa (Halganews)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md. Cismaan Qaasin Qodax, ayaa shaaca ka qaaday inuu quus ka taagan yahay awoodihii sharci ee ay wasaaradiisu lahayd, kuwaas oo uu sheegay inay gebi ahaanba meesha ka baxeen.
Md. Qodax oo waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu shalay xafiiskiisa ku siiyey qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah, waxaannu awood-darrada wasaaraddiisa ku tilmaamay inay sabab u yihiin saldhigis la’aanta qiimaha lagu iibiyo badeecadaha kala duwan ee dalka loo iibkeeno.
Waraysigan oo uu Wasiirku si qoto dheer uga xog waramay duruufaha nololeed ee ka jira dalka iyo isbed-bedelka sicirka ascaarta iyo badeecadaha kale ee dalka soo galaiyo arrimo kale oo xiiso badan. Isaga oo faahfaahsana waxa su’aalihii la waydiiyey iyo jawaabaha Wasiirku ka bixiyey u dhaceen sidan:
S: Wasiirku dalku waxa uu ku jiraa xaalad aad u adag oo sicir-barar ah, arrintaas waxay dadka ku keentay dhibaato aad u ballaadhan, sidaa daraadeed maxay arrintan Wasaaraddu wax uga qaban wayday?
J: Horta marka hore Wasaaradda Ganacsiga ama dawladdeenuba doorka ay leedahay in aynu ogaano marka hore ayaa wanaagsan, waxyaabaha ragaadiyey Wasaaradda ictiraaf la’aanta ayaa ka mid ah, maadaama aan Wasaaraddu caymis samayn karin, kontaraagyo samayn karin, banaan ganacsi aanay jirin, waxa weeye intaas oo shaqooyinkii dadka ganacsatada ahi Wasaaradda u soo mari jirtay ay meesha ka maqan yihiin. Ganacsataduna waa dad iskood u xoogsado oo dhulkii ay wax ka soo heli lahaayeen ee ay soo marin karayaan soo mariya, taas oo siisay madax-bannaani ganacsatadeena, anoo ammaanayna doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha.
S: Taasi ma waxaad uga jeedaa Wasiir awood uma laha xukuumadda Somaliland inay maamusho ganacsatadeeda waaweyn?
J: Waxa weeye waddanka oo dhan inta uu le’eg yahay way maamushaa dawladdu, dadka la maamulayo ayaanay ka mid yihiin ganacsatadu, laakiin awood baan ka hadlaynaa, dawladdana kama awood wayna. Saxaafadduna way joogtay marar badan intii sicir-bararku jiray ayaa halkan Wasaaradda waxaannu uga yeedhnay ganacsatada, waxaannu kala hadalnay sicir-bararkan iyo waxyaabuhuu ku yimi. Waxa la yidhi nin hulaab xumi wax buu qarsadaaye markaanu ganacsatada u yeedhaynay saxaafaddana waxaannu ugu yeedhaynay bal xaadir ha u ahaadeen. Annagu waxaan taaganahay tallaabadii aannu danyarta sicir-bararkan hoos uga soo celin lahayn, waxa waddanka ka socda waanu ognahay, annigu waxaan deganahay Istaad-hawska waxa igu xeeran inta dadka ugu danyarsan, gurigayga ayey yimaadaan dumarka iyo carruurtu iyagoo leh intaas oo maalmood waxba maanu karsan.
Markii hore ee uu sicir-baraku kacay baadhitaan aannu samaynay waxa noo soo baxay in raashinku uu dalkeena ka baxo oo uu dhinaca Itoobiya inoo dhaafo, kadibna ay ganacsatadii qaaliyeeyeen, waxaannu Wasaaradda ka soo saarnay xeer aannu ku mamnuucnay in aanay jirin raashin dibadda inooga baxaa si aannu u xadidno raashinka dibadda inooga baxaya.
S: Waxa jira in raashin badan oo Soomaaliya u socday la soo leexiyey oo dalka uu soo galayo ama uu dekedda Berbera joogo, hase ahaatee arrintaa la cuno qabataynayo oo si kooto ah ama sidii maafiyadii oo kale ganacsatadii ay doonayaan iyagu inay la wareegaan. Arrintaas ma la socotaan?
J: Waxaan la soconaa oo na loo sheegay in raashinkii u socday Koonfurta Soomaaliya in hadda rag soo wadaan qaarkoodna ay keeneen dekedda Berbera. Raashinkaa waddanka soo galaya ee ku soo baxsaday nabadgalyo darteed, baahideena, sicir-bararka, nabadgelyada, siyaasadda innagoo eegayna Wasaaradda Ganacsigu fadhi deg deg ah oo go’aan ah ayey arrintaa ka yeelanaysaa in la soo dhaweeyo wixii aan wax ku jirin ee inoo danaynaayana waa la soo dhaweynayaa, waana in cashuurtii ku waajibtay ee laga rabay inay bixiyaan.
Waddanka sharci ayaa u yaala ganacsiga, kaas oo qabanaya qofka muwaadinka ah iyo ka ajaanibka ahba waxa ka qabanaya sharciga maal-gashiga dibadda, kaas oo soo dhawaynaya qof kasta oo waddanka maal-gashanaya marka uu waddadii sharciga soo maro. Ganacsatadan aad na waydiisayna waa ajaanib oo waddan kale oo Soomaaliya la yidhaahdo waxaana qabanaya sharcigaas, waananu soo dhawaynaynaa haddii ay soo buuxiyaan shuruudihii u yaalay liisankana way ku helayaan, laakiin sidii qof Soomaali ah in aannu ula macaamilno oo aannu liisan ku siino taasi ma suurogalayso.
Su’aal: Waxa jira warar sheegaya in qolada shidaalka keentaa ay qiimihiisa kordhinayaan, maantana (shalay) waxa xafiiskaaga kugula kulamay qaar ka mid ah ganacsada kaalmaha shidaalka. Maxaad ka warhaysaan arrintaa?
Jawaab: Annaga nagumay odhan waanu kordhinaynaa, markay shidaalka kordhinayaan oggolaanshaha shidaal kordhinta waxa iska leh Wasaaradda Ganacsiga.
S: Xilligan waxa la galay wakhtigii Xajka, tiro intee le’eg oo xoolo ah ayaa sannadkan la doonayaa inay baxdo, lacag intee le’eg baase waddanka ka soo geli kara?
J: Moosinka (wakhtiga) Xajka waxa Dekedda Berbera ka dhoofi jiray caadi ahaan laba milyan oo neef (2,000,000 neef), waxana dakhli ahaan ka soo galaya marka laga reebo kharashaadkii oo dhan waxa laga qaado neefkii oo ah tusaale ahaan adhiga laba doolar ($2).
S: Waxa la sheegaa in awoodihii Wasaaraddan Ganacsiga ay daciifiyeen fadhataysi hay’addo kale sida Wasaaradda Xoolaha oo iyadu gacanta ku haysa dhoofka xoolaha ama shidaalka oo ay gacanta ku hayso Total, arrimahaa ka warran?
J: Ganacsiga xooluhu Wasaaradda Ganacsiga ayuu hoos yimaadaa, Wasaaradda Xannaanada Xooluhu door bay ku leedahay xoolaha waana mid caafimaad, haddii wax khaldamaana Wasaaraddu waxay leedahay meel lagu xaliyo ee Saxaafaddu maaha meesha lagu xaliyo.
S: Wasiir heshiisyo ayey gashay Wasaaradda Xannaanada Xooluhu miyaan la odhan karin taasi waxay caddaynaysaa inay gacanta ku hayso dhoofka xoolaha?
J: Waxaan filayaa in aan kaaga jawaabay, haddii uu jiro wax wasaaradi aanay lahayn oo ay gashay meesha lagu xaliyaa Saxaafadda maaha ee meel loo noqdo ayey leedahay.
S: Markaa ilaa iminka heshiisyadii hore ee la gaadhay go’aan ma laga gaadhay oo xal ma u hesheen mise wali way taagan yihiin?
J: Wasaaraddu doorkii ay ku lahayd ganacsiga xoolaha nool way ku leedahay.
S: Dhowaan xukuumaddu waxay ku kordhisay cashuuraha dalka 2% loogu talogalay in lagu caawiyo gobollada bari, kordhintaasi waxay fuulaysaa bulshada. Miyaan la odhan karin arrintaasi qayb ayey ku leedahay sicir-bararka hadda taagan?
J: Boqolkiiba labada aad sheegtay oo ah in dadka reer Somaliland ee ku sugan goboladii innaga maqnaa ee dib-u-dhacu ku yimi in aynu caawino, markaa ma aha wax sicir-barar keenay iyada oo aan lagu kordhin cashuurta ayuu sicir-bararku jiray.
Togdheer News
Hargeysa Somaliland
No comments:
Post a Comment