
Hawd Initiative Deployment and Development Organization
(HIDDO).
Urukani waxa uu hormood u noqon doonaa mashruuc lagu hormarinayo nolosha degaanka Hawd. Waa inay waalidku carruurtooda ku hayn karaan iskuulka iyo degaanka oo aan guur guur lahayn, taasi oo bar tilmaameed u noqon doonta inay reerku isku filaansho xoolo dhaqasho iyo meheradoba ka furtaan tuulada oo laga caawiyo lana tuso sidii ay u hanan lahaayeen go'aan salka ku haya nolol mujtamac iyo bulsho abuurid leh kuna caano maalan karaan oo u haysan karaan inuu ubadkoodu ku noolaado degaanka tuulo agtiisa ama dhexdiisaba.
Waa maxay in mar walba ay su'aashani ay soo noq-noqoto taasoo dhaliil wayn iska leh....
Maxay horumar u gaadhi waayeen tuulooyinka ka durugsan magaalooyinka ee Hawd?.
mar hadii tuuladu tahay meel reer miyigu aanay ku noolaan karin iyadoo bulsho ku filan oo laga ganacsan karaa ku noolayn dadkuna xoolo dhaqato yihiin daba jooga xoolahaas oo aan nolol kale lahayn caanaha, haragga iyo subagga inay keenaan tuulada oo carruurtiina noloshoodu ku daba lunto xoolo raac barrito wax cilmi iyo xirfad midna aanay ka helayn tuulada una dheerayn.
Waxaa nala soo gudboonaatey in aan ka soo shaqayno sidii hore loogu marsiin lahaa degaanka oo ay noqon lahayd meeshii cilmi iyo nololba laga heli lahaa oo taageero iyo kalsooni siinaysa dad hanan kara in loo sameeyo dhakhtar, iskuulo ganacsi iyo tababar xirfadeed.
Intani waa hordhaca kooban oo fikrad kaa siinaya mashruuca, qaybtiisa qorshaysani waa daraasad lagu hirgalin doono ilaa 50 tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Oodwayne iyo Durukhsi.
waxii tusaalayn ah waa furantahay ee nagala soo xidhiidha nasirsix@gmail.com
Wa billahi Towfiiq,
C/Nasir M Cabdilleh
No comments:
Post a Comment