By Dr. Suleiman A. Walhad
Dadyohow, dalkeenu hore inuu u maro miyaynu isku diidanahay. Dadyohow, annaga, sida ay nala tahay, sidaas waynu isla garansanahay. Abbaanwarre kalena, inuusan jirinna, waynu isla wada ognahay. Aqoonteenna inaynu mahadinana, waynu isla fahamsanahay. Awoodaheena inaynu gargaarsanana, waynu isla aqoonsanahay. Dhaqaalaha dalkeenu inuu sare u kocana, waynu isla garwaaqsanahay.
Intaa haddii aynu isla garansanahay, waxa ay nala tahay:
Arrimaha waa si fiican loo abaaraa.
Arrookoda waa, in sida ay ku habboon yihiin, loo odorosaa.
Dalka dantiisa weeye, waa in dib loo shaqeeyaa.
Waa in wixii tegay laga soo kabtaa.
Ajendayaasha kala geddisan waa in la iska daayaa.
Awood midaysan waa in lala yimaadaa.
Asaageen, waa in sidaa loola tartamaa.
Aw Barkhadle, Axmad Guray iyio Sheekhii Aw Buube;
Aw Cumar Xaamud, Inshaar, Adal Cadde iyo Fariidkii Suuloo;
Afwanaaje, Caqli Nuur iyo Ugaaskii Nuur;
Ardaale, Jidgoo iyo Geediyadii Geesiyada ahaa;
Astaamihii ay dhigeen ayaa la innaga sugaayaaye.
Nimankaa raggii hore luxudka ay soo eegi baanahaye.
Nimankaa la eegi ee wax laga sugaayo baanahaye.
Nimankaa riyada dalka rumaynteeda laga fili ayaan nahaye.
Nimankaa bad iyo buur iyo bannaan ku faani jiray ayaan nahaye.
Nimankaa, hadday istiirsadaan, wax badan goyni baanahaye.
Dadyohow, anana waanada iyo wacdiga waa halkii ka sii wada eh
Waa arrin innoo ahayd astaan, caado iyo joogto.
Xoolo iyo xoola-dhaqa ayaan, maanta ku soo bandhigi.
Sidii kuwii hore, isna, waynu godadlayni:
Godka Kowaadina waxa uu leeyahay:
1. Xooluhu waa laf-dhabarka dhaqan-dhaqaalaheena.
2. Waxaanse u dhaqnaa sidii qarniyaal dhaqanka innoo ahayd.
3. Waan la guurnaa goor waliba sideenii.
4. Doog iyo biyo ayaan la raadinaa sideenii.
5. Farsamo kalena lama aynu iman ilaa waqtigan.
6. Sidaynu u dabasoconno ayaa abaaro iyo cuduro ay haleelaan.
7. Waa ay innaga tirmaan ama aya yaraadaan.
8. Wax kuma qaadanee, sidii ayaa weli aan u jirraa.
9. Inta yare e hadhay ayaa doog iyo biyo lala raadiyaa.
Godka labaadima waxa uu leeyahay:
1. Bal u fiirsoo sidiibaa awrka loo daba socdaa.
2. Xatta lama baran in la fuulo.
3. Lo’duna way jiilaalada way itaal yaraysaa ama idlaataaba.
4. Iduhuna way xumaadaan ama madhaan jilaal haddii u galo.
5. Riyuhuna kama dhib yara kuwa aan soo sheegnay.
Godka Saddexaadina waxa uu leeyahay:
1. Fardihii la dhiqi jiray iyagu waa ay idlaadeen.
2. Dameero weli iyagu waa ay joogaan.
3. Dhaanka iyo arrimo kale ayaa loo adeegsadaa.
4. Guud ahaan Ilaahay ayuunbaa inala wada xoolo dhaqa.
5. Kaalinteena xoola dhaqa wax badan ayaa weli innoo dhiman.
Godka Afraadina waxa uu leeyahay:
1. Xoolaha dalkeena dibada ayaa loo dhoofiyaa.
2. Hase yeeshee dibo badan ayaa innaga qabsata dhoofistooda.
3. Mar suuqyada waa la innoo furaa, marna waa la innaga xidhaa.
4. Colaada xoolaheena lagu hayaa ma yara.
5. Kuma xidhna farsamo xumo ama aqoonteena gaabane xoola-dhaqa.
6. Kuma koobna abaaraha iyo cudurada xoolaha ku dhaca.
7. Shisheeyana sidaasu ku taamayaa inuu xilfaha u jaro.
Godka Shanaadina waxa uu leeyahay:
1. Sidii aan qodaalka aan ku tallinay;
2. Waa in siyaasad xoola dhaqa aan yeelanaa.
3. Inay dabar go’aan waa in aan ka ilaalinaa.
4. Suuqaqa laga iibsho waa in aynu u xajinaa karaankeen.
5. Suuqaq cusubna waa in loo abuuraa karaankeen.
6. Farsamooyinkii qarniyaalkii hore inaysan
soconayn waa inaynu garanaa,
7. Farsamooyin cusub waa inaynu la imanaa.
8. Sida loogu guuraayo magaalooyinka waa inaynu ku cibro qaadanaa.
9. Wax xoola jiraba amaa la waayaa waaya dhaw?
Godka Lixaadina waxa uu leeyahay:
1. Caano, hilib iyo suba keliya inaysan ahayn
xoolouhu waa inaynu garanaa.
2. Lacag adag in ay dhaliyaan waa in aynu garanaa.
3. Wax kaleba soo dhaafe, dhaqan in ay innoo
yihiin waa inaynu garanaa.
Godka Tobaadina waxa uu leeyahay:
1. Aqoonyahanada xoolaha iyo awwodaha jiraa
waa inay fiiro kale u yeeshaan.
2. Farsamooyin kale iyo diraasado waa in ay soo mala-awaalaan.
3. Xoolalayda waa inay gargaaraan.
4. Tababaro iyo wixii kale anfaca waa in ay ku caawiyaan.
5. Daaweynta xoolaha waa in ay ka caawiyaan.
6. Ceelal iyo harooyinlaga waraabiyo waa in ay u qodaan.
7. Qodaalka waa in ay ku booriyaan;
8. Doog iyo caws, baahida xoolaha, in ay u beeraan.
9. IIb-gaynta iyo suuqaynta waa in ay ka gargaaraan.
10. Cashuuraha waa in ay ka daayaan.
11. Sidii dhawaan aan ka maqlaynay Saylac iyo wixii ka dhacay,
12. Cashuuro dheerada in laga qaaday xoolo dhoofaayay,
xaaraan iyo curyaamin weeye waa in la ogaado
Godka Sideedaadina waxa uu leeyahay:
1. Xoola dhaqatadu waa in ay iyana doorkooga wax ka beddelaan.
2. Waa in ay guurguurka ay dhimaan ; deetana joojiyaan.
3. Ceelal ma guuraana waa in xoolaha ay u qotaan.
4. Doog iyo caleemo ama caws waa in ay u beertaan.
5. Waa in ay isku dayaan deganaashu xoolaha in ay u dhaqaan.
Godka Sagaalaadina waxa uu leeyahay:
1. Xoolaha oo la xidho ma faaiido xuma.
2. Way ka taran fiican kuwan lala guuro.
3. Hilib iyo caanaba way kaga fiican yihiin.
4. Tiro badan waxa ka wanaagsan tiro yar oo ka taya fiican.
5. Reer guuraagu faaiido kale ayay heli hadday degaan.
6. Ubadkooda dugsiyo gala ayay heli.
7. Noloshooda bulsheed ayaa si wax ku oola ugu kordhi.
Godka Tobaadina waxa uu leeyahay:
1. Waxa ay nala tahay in wadaagyo xoolo la sameeyo.
2. Wadaagyadu waxa ay qabaan karaan hawlo badan.
3. Waxa ka mida iibgaynta xoolaha.
4. waxa ka mida daaweynta xoolaha.
5. Waxa ka mida tababarka xoolalleyda.
6. Waxa ka mida abuuris siyaasad guud oo khusaysa xoolaha.
Godka Kow iyo Tobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Wadaag xoolo waxa uu ka koobnaan karaa maamul guud.
2. Wadaaga xoolaha waxa laga maalayn karaa iibka xoolaha.
3. Hal doolarbaa neefkiiba looga goyn karaa;
4. Ha noqoto kuwa dibadda la geynaayo ama kuwa gudaha lagu qalayo.
5. Waxa ka soo bixi kara hanti ballaadhan.
6. Hantidaa waxa ay noqon kartaa miisaaniyad
lagu fuliyo siyaasada xoolaha.
Godka Laba iyo Tobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Guddiga sare wadaagu waxa uu ka koobnaan karaa
2. Qof ama Laba qof oo masala xoolalayda
3. Qof ama laba qof oo masala dilaalka xoolaha
4. Qof ama laba masala dhoofiyaayaasha xoolaha
5. Qof masala gaadiidka gura xoolaha
6. Qof maamulka dalka masala.
7. Wadaaga degmo ilaa tuulo ayaa laga dhisi karaa.
8. Wadaag dhexena waa loo samayn karaa.
9. Masalan waxa la samayn karaa wadaag sida Wadaaga Dilla
oo kale ama Saylac ama Baki iyo kuwa la mida.
Godka Saddex iyo Tobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Waxa lagama maarmaana in suuqaq xoolaha loo hubiyo.
2. Jabuuti waattan noqotay meel xoolaha laga dhoofsho.
3. In la isticmaalo ayaa ay nala tahay.
4. Carabtan keliya waa in la isku halayn.
5. Ilaa Turkiga, Iran iyo dalal kale ayaa la tiigsan karaa.
6. Wadaagyadu waa in ay u raadiyaan suuqaq xoolaha.
7. Wadaagu waa inuu ahaado urur farsamo oo aan siyaasi ahayn.
8. Waa in uu ahaado mid aan macaash doon ahayn.
9. Waa inu ahaado gargaare iyo kalkaaliye.
Godka Afar iyo Tobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Wadaagu waa in tira kooba xoolaha dalka ka jira.
2. Lo’ ahaaya amase geel, ama adhi, ido iyo riyaba.
3. Digaag noqotayaa ama dameero iyo fardo.
4. Kobcinta xoolahaa waa in loo sameeyaa xarumo.
Godka Shan iyo Tobnaad oo waxa uu leeyahay:
1. In badan ayaa aanu aragnay reer xoolo badsaday
sanad oo sanadkii ku xigay waxba aan ka hayn.
2. Xoola dhaqatadeenu ma aysan baran in ay lacageeyaan xoolaha
si aysan abaari hantidooda u dabargoyn.
3. Waa in lagu booriyo in ay xoolaha sanadkiiba qaar ka iibshan.
4. Iibka waxa ka soo baxa waa in lagu booriyo
in ay hanti kale geshaan.
5. Dhul noqotayaa ama ganacsi kale.
6. Mihnado kale waa in xoolaha laga abuuraa.
7. Qaarbaa ka shaqeyn kara daaweynta xoolaha.
8. Qaarbaa ka shaqeyn kara biyaha iyo baahiyaha kale ee xoolaha.
9. Idiinta hargaha ayaa kabo iyo dhar iyo baagag
iyo waxyaabo kale ayaa laga samayn karaa.
Godkan Lix iyo Tobnaad oo innoogu dambeeyaana waxa uu leeyahay:
1. Kaba samaynta iyo shandadaha saamaha iyo hargaha
laga sameeyo waa in dalka laga dhisaa.
2. Dadyohow, hawlo iyo farsamooyin badan oo
kalaa jiree bal arrimaha dib ha loogu fiirsado.
3. Dibadda oo keliya in wax laga sugaa anfac
iyo aayo ma le, bal iyana taa ha la ogaado.
Waa uu innagu dheeraadaye, aynu xoola dhaqa intaa ku soo goyno. Waa innoo mar kale iyo xaajo kale. Eebana aynu waydiisanno in uu inna waafajiyo wixii dana.
No comments:
Post a Comment