Saturday, December 22, 2007

Qorshaha iyo Qorshaynta












By Dr. Suleiman Walhad

Allow, Rabbow Eebow
Adaa og wixii dareersan ee doogan
Adaa og wixii duugsan ee dahsoon
Adaa og wixii daadsan ee baahsan
Adaa og duhur iyo gurcud dama wixii oogan
Adaa og wixii dadkyagayu uu moogayne

Allow Rabbow, Eebow
Adaa og dalkayagii sida uu u daadegaye.
Adaa og dibindaabyada dadkagii haysee.
Adaa og dir, qolo iyo in ay ku dawakheen wax aan danu ahayne.
Adaa og in gaaliyo Islaanba dadnimadoodi ka quus qaadataye.

Allow Rabbow Eebow
Da’ xunbaa dalkayagii iyo dalkayagii u kacaye.
Duul aan danta guud dan ka lahayn oo meel hoose ka dadaala
Duulaan, runtii garanayn waxa uu doonaayo
Duul qolonimo iyo qabiiluun kuu doodaaya
Kolay noqoto kuwii aqoonta lagu tilmaamaayay.

Allow, Rabbow Eebow
Nimankaa dalkii degay kuwa u sii dabraa ka sii darane.
Nimankaa dadkii laynaya kuwa u soo daahay baa ka sii darane

Allow, rabbow, Eebow
Duco iyo dalab Adaan ku waydiine
Dadkayagii Allahayow noo soo toosi oo soo du.
Dalkayagii dakaanye, Allow noo soo tiiri oo daryeel.
Allahayow, Adaa garan, wixii danee, dadkayaga bal garansii.

Anana dood kale ayaan odhane
Duulkaa lumay ayay danaysanaysaaye
La daynmaayo oo waa duul habaabaaya oo dirkayagiiya
Waxa aan ku leenahay waar wax daran dooda ha laga reebo
Waar dadyohow, dunidu weli way idin la yaaban tahay
Waar duul kale idiinma maqana ee bal horta ogaada.
Waar gaal iyo Islaanba idinka didye, wax isku fala
Waar darxumo da’aha iman doona ha u daadahaynina.

Dariskan maanatana waxa aanu daadahayn qorshaha iyo qorshaynta.
Sidii kuwii hore ayaan u godadlayn.

Godka Kowaadna waxa uu baanay:

1. Waxa ay yidhaahdaan nin arrintiisu rartay,
waa nin orgi raray.
2. Waxa kale oo ay yidhaahdaan nin halawsani
inuu hoyanayo ayuu moodaa.
3. Waxa kale oo ay yidhaahdaan nin hoostiisaa
dayaa hortiisa ma dayo.
4. Waxa kale oo la yidhi nin inta uu geed ka boodo,
ayay arrinina ka boodaa.
5. Waxa kale oo la yidhi, ninkaad kaba ka tolanayso,
kabahiisa ayaa la eegaa.

Godka Labaadna waxa uu baanay:

1. Odhaahahan hore waxa ay tilmaamayaan talo iyo ahmiyadeeda.
2. Waxa ay tilmaamayaan qorshe iyo qiimaha qorshaynta.
3. Waxa ay guubaabinayaan waxa lagu kacayo oo la sii qorsheeyo.
4. Waxa ay tilmaamayaan in lagu lumo talo lab la kaca ama habawsan.

Godka saddexaadna waxa uu baanay:

1. Qorshe waxa loo sameeyaa wixii lagu kici doono.
2. Waxa laga hor tegaa dhawr waxyaabood.
3. Waxa ka mida khatara ka iman kara.
4. Waxa ka mida in aan guul laga gaadhin.
5. Waxa ka mida in dhibo cusub ay ka abburanto.
6. Waxa ka mida waqtiga oo ku luma wax faaiido daran.
7. Iyo waxyaabo kale oo badan.

Godka Afraadna waxa uu baanay:

1. Qorshayntu waxa ay ka kooban tahay dhawr walxood.
2. Waxa ka mida go’aansiga in hawl lagu dhaqaaqo.
3. Waxa ka mida garashda sida ugu habboon
ee hawsha loo qaban karo.
4. Waxa ka mida u diyaargarowga lama fillaanada hawsha.
5. Guud ahaan waxa weeye in riyo loo rugo run
6. Qorshayntu waxa kaa ilaalisaa in aad shaqo culus aad
gasho ay natiijadeedu ay yar tahay ama ku fashilin kara.

Godka Shanaadna waxa uu baanay:

1. Qorshayntu waxa ay ku faraysaa tallaabooyin.
2. Waxa ay ku leedahay ka leexo ficilada kartida dayaca.
3. Waxa ay ku leedahay ku xisaabtan sababe kasta.
4. Waxa ay ku leedahay ku adkeyso sababeyaasha aan laga maarsan.
5. Waxa ay ku leedahay ogaw isbeddelada la yeeli doono oo dhan.
6. Waxa ay ku leedahay hubi oo soo ururi hantida
hawshu ay u baahan tahay.
7. Waxa ay ku faraysaa hawsha u qabo sida ugu
dadaal iyo faaiido badan.

Godka Lixaadna waxa uu baanay:

1. Marka hore ogaw halkaad joogto.
2. Marka xiga garo waxa aad dooni.
3. Marka xiga sida iyo kharashka ay kugu kici waxa aad dooni.
4. Ayaa fulin, maxaa la fulin, goormaa la fulin, side loo fulin
iyo maxaa loo fulin, waa inaad is weydiiso.
5. Qiyaaso beddelka aad wado, waxyeelada uu keeni karo
ama dadka ha noqoto ama ururka aad wax ka beddelayso.
6. Xisaabso in waxani faaiido leeyahay oo uu u qalmo
dhib iyo hoog iyo hawsha aad gelayso..
7. Ha iloobin meelaha aad ka xukumi karto
ama ka kotrooli karto beddelka aad wado.

Godka Todobaadna waxa uu baanay:

1. Nin Pareto la odhan jiray ayaa waxa uu sheegay
in hawsha 80% lagu dhameeyo 20% waqtiga.
2. Waxa la odhan karaa in 80% oo hawsha ay keento 20% natiijada.
3. Haddi la qorsheeyo, 20% oo hawsha ayaa keeni kara 80% natiijada.
4. Qorshuhu sidaa ayuu uga faa’iido badan yahay qorshe la’aanta.

Maanta intaa ayaynu ku sugi qorshaha iyo qorshaynta. Qaybo kale ayaynu eegi doonaa arrimo kale oo qorshaha iyo qorshaynta. Waxa ka mida waxa ay dadku qorshaha uga leexleexdaan, giraangirta qorshaynta, sida loo ogaado waxa loo baahan yahay in la qabto, garashada ujeedada qorshaynta.

Waxa kale oo aynu ku eegi doonaa diraasada khiyaarada kale ee jira iyo tafaasiisha qorshaynta. Waxa aynu ku gunaanadi doonaa xubnaha qorsha fiican.

Allahayow, dadkayagu waxa uu ahaa duleed
jiif iyo xoolo dabayaace
Marka aysan isku duubnayn waxa ay
ahaayeen kuwa itaal darane
Waxa laga dareersan jiray duunyo
iyo dal waxa ay lahaayeene
Xillagaa oo kale ayay maanta joogaane
Doqoniimaa heshoo kala dareere nimankiiye
Dunida oo guurtay ayay weli degelkii hore joogaane
Ku daandaame qolo iyo tol iyo wax aan dan u ahayne
Doorkii odayada, iyada laga guurye
Lama ciseeyo oo dawlis loo tuurye
Halkoodi waxa gallay duulkan aan la garanayne
Kuwa hunguri uuni wado iyo dano aan la garaneyne
Dadweynuhu weli waa ka yaaban yahay duulkan damaca waallane
Anana, Allahayow, ka daali maynee waa inaan u dadaallaaye
Dadka waa inaanu u tilmaanaa wixii danaha guude
Adna Allow, dadaalkayaga ha nagu hoojin
Dadkayagana u soo dabaal dadnimadooda


Suleiman Walhad
Email: walhad@taicobu.com

No comments: