BURCO: LAXMAR OO TABABAR U FURTAY HAWLWADEENO CAAFIMAAD.
Burco (Jam)- Hay'adda wadaniga ee Laxmar ayaa shalay tababar u furtay 36 xubnood oo ah madaxda MCh-da caafimaadka ee Gobolka Togdheer.
Tababarkan oo ay iska kaashadeen hay'adda waddaniga ah ee Laxmar iyo Action Aid, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidha sidii hawldeenadana caafimaadka loogu tababari lahaa inay noqdaan tababarayaal (TOT) oo tababaro caafimaad siisa dadka tuulooyinka gobolka.
Cabdillaahi X.Axmed Qulumbe oo ka mid ah masuuliyiinta hay'adda Laxmar oo ka hadlay furitaankii tababarka, ayaa sheegay inuu qayb ka yahay tababarkani hawlihii horumarinta caafimaad ee ay ka wadeen degaanka Togdheer, isla markaana xubnahan tababarku u furmay ay noqondoonaan tababarayaal caafimaad oo tababaro siin doona dadka tuulooyinka.
“Si loo hormariyo adeega caafimaad ee bulshada tuulooyinka, ayaa tuulooyinka laga samayn doona dad loo tababaro dhinaca caafimaadka oo adeegayaal caafimaad noqda," ayuu yidhi Qulumbe.
Waxa intaa ku daray in tababarkan socon doono muddo toddoba maalmood ah, uuna rajaynayo inay ka qaybgalaayshu ka faa'iidaysandoonaan muddada uu socdo, isagoo xusay in ay casharrada bixinayaan dhakhaatiir ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Togdheer.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, kuwaasoo u mahadceliyay hay'adda Laxmar sida ay ugu hawlantahay horumarinta adeega caafimaad ee gobolka.
Hay'adda Laxmar ayaa hore u tababarro caafimaad iyo qalab u siisay 60 xubnood oo ka socday tuulooyinka degaanka Togdheer, kuwaasoo loogu talogalay inay wax ka qabtaan baahida caafimaad ee goobaha ay ka yimaaddeen, mana aha markii koowaad ee tababarro caafimaad siiso bulshada tuulooyinka Gobolka Togdheer.
Hay'adda Laxmar oo ka hawlgasha Gobolka Togdheer ayaa ka shaqaysa dhinacyada waxbarshada, caafimaadka, biyaha iyo xoolaha, kuwaasoo wax badan ka qabtay.
Jamhuuriya Online
No comments:
Post a Comment