
(Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxdhaqameedyo, siyaasiyiin, odayaal,aqoonyahanno, dhallinyaro, ganacsato iyo waxgaradka Beelaha Garxajis ayaa Canbaareeyey Xubno hore u sheegay inay Beesha Garxajis ku biirtay Xisbiga KULMIYE, Isla markaana waxba kama jiraan aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay, iyaga oo carabka ku adkeeyey inaanay ciddina iyaga oo ku hadlaya Magaca reer ku biiri Karin Xisbi, balse ay shakhsi ahaantood ugu biiri karaan.
Sida waxay ka sheegeen Shir balaadhan oo maanta lagu qabtay Huteel Dal-xiis ee Magaalada Hargeysa
Waxa kale oo ay kulankaas ku sheegeen inay Beesha Garxajis hore u ahaan jirtay Dawlada imikana mowqifkeedi hore aanay waxba iska bedelin oo ay tahay Dawlada.
“Beesha halkan Maanta fadhida [Garxajis] waa beel balaadhan, waxaana Magaceeda ku hadli kara Suldaanka Guud, cid kale kuma hadli karto”ayuu yidhi Suldaan Guud ee Beesha Garxajis Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, isaga oo daba-joogay Masuuli hore ugu biiray Xisbiga KULMIYE.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay inaanu isagu Xisbina taageersanayn, isaga oo ku sababeeyey in ninka Suldaanka In looga wanaagsan yahay inuu Xisbi Taageero. “Berito la odhanmaayo Suldaan Maxamed kana uu taageerayey, kana u ridayey” ayuu yidhi
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ku dooday Inuu Xisbiyada Mucaaridka iyo Kuwaa Muxaafidka ahba inuu isagu suldaan u yahay.
“Magac qabiil Xisbi laguma geli karo, beeshuna [Garxajis] iyada ayaa iska leh, dadkuna mabdi’iisa isaga ayaa iska leh” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir
Suldaanku waxa uu ka codsaday cidkasta oo isku dayda inay galaan Xisbi inaanay Sheegan Magaca Beesha [Garxajis, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu ku hanbalyeynayo cidkasta oo beesha ka tirsan oo Xisbi ku biirta “Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE UCID iyo UDUB] ee jira Mid qudhana ma diidanin, waayo Sadexda Xisbi waxa ku dhisan Qaranka Somaliland, ciddii galaysaa shakhsi Siyaasiya oo galay ha noqoto”
Caaqil Cabdi Faarax Yuusuf oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad ula yaabanay Nimanka yidhi reerka qaranka ah [Garxajis] ee la yaqaano ee aan iyagu is aqoonin Ma Waxay ku wada Biireen Xisbiga KULMIYE, Xisbigii Sadexaad ee UCID Miyey soo baabiyeen, kaa halkee ayey ka soo dhaafeen”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “ Waxa wax laga yaq-yaqsoodo ah reerka intaa leeg [Garxajis] UCID-na way soo dhaafeen, UDUB-na uu ka guurey KULMIYE ayuu wada galay. Xisbiga KULMIYE hadal miyuu rumeystay bal Su’aasha ha nooga soo jawaabo?”
Caaqilku Cabdi Faarax waxa uu kula taliyey Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE “Xisbiga KULMIYE waxaan leeyahay dadka wareeray, dadka danaha gaarka leh iyo caal-waaga inaanu Uruursanin, hadalkoodana aanu rumeysanin ayaan jecelay”
Mar uu Caaqil Cabdi Faarax la hadlayey Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar waxa uu yidhi “Ninka la yidhi Waa hogaan dhaqameed, ee ka mida Sulaadiinta anaga ayaa tuurta ku soo qaadanay haddii aanu nahay [Beesha Isaxaaq], berigii Garxajisku Maleeshiyada noqday ayuu kala baydhka yimi, oo uu yidhi Suldaan ayaa layga soo dhigay, halkaas ayaan kaga hortagnay Habar-yoonis-na anaga ayaa sanka ka gelinay, kol hadduu wareeray Waanaga tuurnay”
Caaqil Khadar Maxamed Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha Beesha Ciida-gale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka cadeynayaa inaanay cidna ku hadli Karin Magac Beeleed xanbaarsan aanay Xisbi ku geli Karin,Waxaana magac-beeleed ku hadlikara hogaan dhaqameedka oo ay Salaadiintu ka kow yihiin iyo cuqaasha”
“Qofkii doonaya inuu Xisbi ku biiro si shakhsiya ayuu u geli karaa, cid gacanta qaban karta oo ka joojin kartaa ma jirto” ayuu yidhi Caaqil Khadar Maxamed Axmed
Caaqil Khadar Maxamed Axmed waxa uu ku taliyey inaan la isku khaldin gelitaanka qofku ku biirayo Xisbiga iyo Magaca Beesha [Garxajis], isla markaana waxa uu xusay inay Beeshu Bari ilaa Galbeed ay degto.
Suldaan Muxumed Yuusuf [Xiirey] oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay Inay Jiraan Sadex Xisbi Qaran oo inanka iyo wiilka uu dhalay midba kuudoono uu geli karo, waxaanu yidhi “ Waxa inagu nusqaan ah in innaga oo reer hebala ka dibada jooga ka miyiga jooga iyo ka magaalo jooga Xisbi qudha ayaanu isugu shubanay waa khalad, ileyn dadkii cod lagama soo wada qaadinee”
“Beeshan la yidhaahdo Garxajis waa beel balaadhan oo wixii ay Somaliland tahay ayey beeshanina tahay, Somaliland waa Qaran, inaguna qaranka ayeynu nahay” ayuu yidhi Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu inta raaciyey oo uu yidhi “Marka aad eegto Golaha Wasiirada, Golaha Baarlamaanka, Golaha Deegaanka iyo Garsoorka, waxaan qabaa Garxajisoow layna tiriyoo yaa Somaliland inooga badan Golayaasha Qaranka ee Imika jooga,.11 Wasiir ayeynu leenahay, 6 Garsoore ayeynu leenay, Guddoomiyihii Maxkamadda ayeynu haysanaa, Kii Baanka fadhiyey ayeynu haysanaa, balaayo mooyaane wax inaga maqan inaanay jirin, adeer dadka ha ina tusina haddii kale waa laynala Xisaabtami oo dadku waxooda way inaga qaadi-doonaan, ileyn dadku wax ayey inala leeyihiin”
Caaqil Cabdi Xasan Cunaayee oo isna halkaasi ayaa waxa uu eedeeyn kuluul ku cashariyey Suldaan Cismaan Cali Madar oo ka mid ahaa Xubnihii dhawaan ku biiray Xisbiga KULMIYE, Waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Suldaanka gudo- ka boodka ee Magaca Garxajis isagu guudka iska saaray ee aaan ahayn Suldaan Guud iyo Mid dhexe toona ahayn”
Caaqail Cabdi Cunaaye waxa uu sheegay isaga oo ah Caaqilkiisii Suldaan Cismaan inuu xaal ka siinayo beesha Garxajis mid gud iyo dibadba jooga hadalkii uu yidhi Suldaan Cismaan Beesha Garxajis waxay ku biirtay Xisbiga KULMIYE. Isla markaana waxa uu xusay haddii isaga gaadhi iyo Guri laga siiyey maaha inuu qofku yidhaahdo adiga kuuma danbeyso oo uu meel kale u boodo.
“Maan arag Suldaan sanad kaliya isaga gudba Sadex Xisbi [KULMIYE, UDUB iyo UCID],taasina waa meel ka dhac ee ha nalaga raali ahaado, oo Salaadiinta iyo cuqaasha Beesha Garxis Xaal ayaanu ka siinaynaa”
Suldaan Aadan Saalax Cumar oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Inagu marka aynu nahay reerkan [Garxajis] bahashan qabyaalada markii aadka la isugu dili jiray qolo waliba meesha ay joogto ayuun-bay Weerar ka geli jirtay, “islaan ayaa beri lagu yidhi Ninkaagu ma tukan jiray?”, markaas ayey tidhi Hooyo Alleba uma baahin, inaga iyo qabyaalad Ilaahayba inooma baahin”
Waxa isna halkaasi ka hadlay Chief Caaqil Saahid Xaaji Aadan Cilmi Qabile oo waxa uu ku taliyey In Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar in halkaa lagaga tago. Oo aan diib loo Sheegan.
Cumar Maxamed Nimcaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu khalad ku tilmaamay inaan wax aan jirin la sheegto, waxa uu yidhi“Sheegashada la yidhi Beesha Garxajis waxa ka Wakiilla raggii halkaa isugu yimi,[Huteel Maansoor] aniga waxay ilaa eekayd sidaa Cuqaasha iyo Shacbiweynuhuba u arkaan inay khalad tahay”
“Waxaynu Cadeynay inaanay ciddi sheegan Karin Magaca Beesha [Garxajis], beeshuna waa Beel wayn, qofkuna xaq ayuu u leeyahay inuu Xisbiga uu doono ku Biiro” ayuu yidhi Cumar Nimcaale.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil Xasan Badmaax,Xasan Suudi,Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan, Caaqil Axmed Cali Faarax [Cidhib baraka leh] iyo Aadan Faarax oo dhamaantoodba si mideysan u sheegay inaanay Xubnihii dhawaan ku biiray Xisbi KULMIYE aanay Magaca Beesha matali Karin, oo aanay sheegan Karin, balse oo kaliyaata Magaca reerka uu ku hadli karo Suldaanka oo kaliya.
Mustafe Abdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com
No comments:
Post a Comment