Monday, December 31, 2007

Somaliland Dawlad la Aqoonsan yahay ma noqon doontaa Sannadka 2008?







Somaliland Dawlad la aqoonsan yahay ma noqon doontaa sannadka 2008?

“Qaaradda Afrika tusaalaha u dhigma Kosovo, waxa suuragal ah inay noqdaan Saxaaraha Galbeed iyo Somaliland.” William Deb Mills

“Tan iyo imika dawladda Maraykanka ee la xayaysiinayo wax kale maahee, waa tii Ingiriiskuba inagu lahaa waanu idiin soo dhawaynaynaa laakiin….” Dr, Dixood

Hargeysa (Ogaal) – “Qaaradda Afrika tusaalaha u dhigma Kosovo, waxa suuragal ah inay noqdaan Saxaaraha Galbeed iyo Somaliland. Dagaalyahanka Saxaaraha Galbeed (Polisario Front), waxay digniin adag ka bixiyeen inay dagaal balaadhan la galaan dalka Marooko haddii aan wax horumar ah laga gaadhin wadahadallada socda ee la xidhiidha aayaha qarannimadooda. Tanina waxay u muuqataa inay lagama-maarmaan noqon doonto, ka dib marka uu dhaco Shirwaynaha Guud ee Jabhadda Polisario bilaha Juun iyo July ee sannadkan ay saacaddaha koobani ka hadhsan yihiin.

Somaliland, ayaa sidoo kale laga yaabaa in la aqoonsado sannadkan foodda inagu soo haya, taas oo macneheedu noqon karo dagaal balaadhan oo dhexmara Soomaaliya, maadaama ay Somaliland qorshaynayaan balaadhinta xuduudihii hore ee xilligii uu Ingiriisku ka talinayay Somaliland. Dalalka kale ee suuragalka ay noqon karto inay madaxbanaanidooda helaan oo khilaafaadka aayo-ka-tashigoodu uu muddo soo taagnaa, waxa ka mid ah; Jasiirradda Taiwan, Madhesh, iyo Waqooyiga Ciraaq ee Kurdistaan, taasoo aftida guud ee laga qaadayo magaalada Kirkuk sannadka 2008, ka dhigi karta inuu sannadkaasi noqdo mid ay dagaallo ba’ani qarxaan.” Sidan waxa maqaal uu kaga faaloonayo dunida 2008, ku sheegay qoraaga William deB. Mills oo uu walaac kaga muujiyay siyaasada dunida iyo sanadka cusub ee aynu fooda la galay isaga oo dhinacayo badan oo uu ka eegayo ka dib ay soo baxday in dunidu sii gelayso mugdi iyo dagaalo.

Somaliland marka laga hadlayo, todobaadyadii aynu soo dhaafnay waxa jiray dhawaaqyo ka turjamaya in Somaliland soo jiidatay indhaha Caalamka, ka dib markii lagu guuldaraystay in Somalia oo dhaqaale badan lagu bixiyay laga dhaliyo nabadgelyo. Iyadoo dhawaaq culusi ka soo yeedhay Wasaarada difaaca Maraykanka oo ay Somaliland debecsanaan siyaasadeed ugu muujiyeen. Sidoo kale, waxa jiray dhawaaqyo ka soo yeedhay siyaasiyiin iyo madax u badan mudanayaal iyo aqoonyahano ka soo jeeda wadanka Ingiriiska oo u ololayn jiray qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo sheegay in habdhaqanka iyo talaabooyinka xukuumada Madaxweyne Rayaale ay wiiqi karaan sumcada Somaliland ku iibsami karto siyaasad ahaan. Sidaa daraadeed, iyada oo dhawaaqyadaa laga duulayo, ayaa waxa Dr, Cumar Cilmi Dixood oo ahaa ergaygii khaaska ahaa ee Somaliland Ictiraaf-raadinta u qaabilsanaa, ka hor intii aanu dhawaan ku dhawaaqin inuu xilkaasi iska casilay ayaa Idaacada Radio Horyaal Waydiisay sida uu ula muuqdo dhawaaqa Dawlada Maraykanka iyo mustaqbalka dhaw ee Somaliland. Dr Dixood waxa uu si adag u duray siyaasada Madaxweyne Rayaale oo uu ku tilmaamay mid uu xuubsiibatay kalitalisnimo, “Marka horeba caalamka dawlado badan ayaa inala shaqaynayay, Somaliland tan iyo 1991-kii maamulkeedii waa lala shaqaynayay oo mucaawimo ayaa la siinayay, oo EU-da xidhiidh ayaynu la lahayn, oo UN-ka maamuladooda xidhiidh ayaynu la lahayn. Laakiin, mar walba shuruudo ayaa la inagu xidhayay, waxa la ina lahaa hadaad doonaysaan aqoonsi waddadaa mara, tusaale ahaan markii ugu horaysay, waxa la inagu yidhi AU-da ka dhamaysta, mar waxa la inagu yidhi idinku Soomaali ahaan laftiinu waa inaad wadda hadashaan, laakiin wixii mashaariic ah ee aanu ka caawin karo waanu idinka caawinaynaa. Tan immika Maraykanka ee la xayaysiinayo ee uu yidhi wax kale maaha, waa tii Ingiriiskuba inagu lahaayeen waanu idin soo dhawaynaynaa waana aanu idin caawinaynaa. Ta kale, Maraykan wuxuu arkay Xamar oo gubanaysa, markaa waxa la yidhi halkan degan ee aan dhibaatadu ka jirin xidhiidh halala sameeyo, islamarkaana halaga caawiyo xaga nabadgelyada illaa inta doorashooyinku dhacayaan, haddii markaa la arko maalin walba wax aan wanaagsanayn oo Gacanta ama Lugaha lagula jiro, Maraykanka qudhiisu wuxuu odhan doonaa, kuwani khayr malaha’e iskaga yaaca. Adduunka maanta waxa xukuma Hay’adaha Caalamiga ah sida Amnesty International iyo dadka xuquuqda Bunu’aadmiga ilaaliya oo kale oo nin kastaba ka adag. Haddii qawaaniinta shaqsiga loo dhigay iyo xuquuqda bini’aadmiga aad ku tumato, waliba adiga oo aan aqoonsi haysan cid kula hadlaysaa ma jirto. Markaa annigu waxaan leeyahay, madaxnimada marka laguu dhiibo., waa inaad meesha wax ku kordhisaaye, inaad wax kala daadiso maaha.” Sidaas ayuu yidhi Dr, Dixood isaga oo la hadlaya Madaxwyne Rayaale, mar uu ka hadlayay saamayn uu sheegay in xadhigii Siyaasiyiinta Urur Siyaasadeedka Qaran ku yeeshay Somaliland waxa uu yidhi. “xadhiga siyaasiyiintii hore ayaa Somaliland dhibaato iyo dhaawac wayni ka soo gaadhay. Shantii sannadood ee uu xukunka hayay ayay dad badan is barteen oo Ingiriiska guriga Odayaasha ka tirsan, oo siyaasiyiin ahaa, Wasiiro ahaa. Dhaawacaas uu gaystay ayaan maanta ragii wax wada-shaqayni ka dhexayn. Isaga (Madaxweynaha) iyo dad badan oo inala shaqaynayay oo inala ololeynayay niyad jab ayaa ku dhacay. Waxa weeye Daahir Rayaale, dimuquraadiyada yaanu ku tumanin, maaha Madaxweyne la ictiraafsan yanay, waxaynu nahay jabhad doonaysa ictiraaf iyo dawladnimo. Markaa nina yaanu intuu gaadhsiisan yahay ka dheeraynin ayaan anigu leeyahay, saasaanay Somaliland wax ku noqonaysaa, sidaas ayaanaynu daydaygii hubka kaga dhignay, ee dawladu yaanay dayday noqon ayaan u jeedaa.”ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu sheegay in qaabkii loo xidhay siyaasiyiinta Urur siyaasadeedka Qaran uu meel ka dhac ahaa waxana uu u soo jeediyay Madaxweyne Rayaale inaanu talaabo taa la mid ah ku noqon. Dr, Dixood waxa kale oo uu ku dooday in uu Somaliland u shaqaynayo, Balse uu ka fadhiistay kaliya wada shaqayntii uu lalahaa xukuumada. Waxa kale oo uu sheegay in ictiraafka Somaliland aanay hortaagnayn mucaaradku. “Mucaarid, khaakhuul wadaa ma jiro. Mucaaradku waa ka hubka iska dhigay, mucaaradku waa ka codbaahiyaha qaatay, mucaaradku waa kaa xitaa diidanba in la mudaharaado, mucaaradku waa ka 80-ka cod aqbalay, Siilaanyo 80-cod ayuu aqbalay, haduu dhibaato wado muu ogolaadeen.

Markaa waxaan leeyahay, mucaaradku waxba ma wadee mucaaradka yaan eed aanu lahayn la saarin,. Waxa dhibaatada wada wixii daydaygu ku kici jiray, raga ku kacaya ee dadka taxaabaya ee Tiknikada soo kaxaysanaya, wixii inamadii yaryaraa halkan ay ku kici jireen ayay dawladu ku kacday. Rag siyaasiyiin ah oo aasaasayaashii ah, oo aqoonyahano ah oo ayaa guryahoodii inta tikniko lala tagay xabsiga dhexdiisa maxkamad lagu saaray, taas ayaa ah khalad, taas ayaananu uga digaynaa inay mar labaad dhacdo.” Sidaas ayuu yidhi Dr Dixood waxana uu intaa ku daray. “Waxa la yidhaahdaa Afrikaanku markay dawladnimada doonayaan, 1960-kii ilaa 70-kii, waxay samaysan jireen wajiyo wanaagsan, marka ay wax noqdaan ee Calanka loo taago kursigana ay ku fadhiistaan ayay kalitaliye noqon jireen, kani. (Rayaale) isagoon melba gaadhin ayuu shan sano dadkii ku xukumay. Markaa waxaan uga digaynaa, in kasta oo aan markii hore xoog looga fiirsan wixii dhacayba way dheceen, inaan wax danbe oo khalad ah dadka siyaasiyiinta ah lagula kicin waayo ixtiraam ayay mudanyihiin.”

“Rayaale Muu badalin Siyaasadii Cigaal waxa uu qabtayna oo hagaagsanina ma jiraan”

“Dawladu waxay tidhaahdaa waan garaacnay albaab walba, laakiin anigu waxaan qabaa in aanay aqoonba meesha albaabku yahay ee ay inta badan gidaar uun garaaacayaan”

“Muuqaalka Somaliland wuxuu ku wanaagsan yahay in beeluhu ka wada muuqdaan maamulka”

No comments: