Sunday, December 16, 2007

Suuqyo laga Dhisay Burco oo maanta xadhiga laga Jaray

December 16th, 2007

Burco (Somaliland.org) - Duqa Magaalada Burco Maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab ayaa maanta markii u horeysay xadhiga ka jaray suuqyo cusub oo loogu talo galay ganacsatada Magaalada kuwaasi oo muddo sanada ay dhismahoodu ka socdeen Magaalada Burco Gobalka Togdher.

Suuqyadan cusub oo ka kooban laba suuq oo ay ka ganacsandoonaan ganacsatada hiliblaha iyo kuwa khudradlayda laga hir galiyey badhtamaha Magaalada Burco isla markaana ay iska kaashadeen fulintooda Dawlada Hoose Burco, Ganacsatada iyo Hayada UN- Habitat, UNDP iyo ILO, waxaa maanta furitaankooda laga dhawaaqay mid ka mid ah hangarada waawayn oo ka mida goobaha la dhisay kaasi oo ay ka qayb galeen xildhibaano ka mid ah golaha deegaanka hawlwadeeno ka socda hayada samafalka iyo weliba qaar ka mid ah gudiyada ganacsatada.

Duqa Burco Maxamuud Axmed Xasan oo saaka hadal ka jeediyey furitaanka mashaariicdan ayaa waxa u cadeeyey in dhismaha iyo dayactirka suuqan oo soo jiitamayay tan iyo horaantii sanadkan ay ku baxday lacag dhan $ 160,000 ku dhowaad ayna ka faa,iidaysan doonaan 2000 Qof oo ka mida dadka dan yarta ah oo iyagu horey u fadhiyey goobahan.

Duqa waxa kale oo u cadeeyey in mashaariicdan oo ay ugu muhiimsan yihiin labada suuq ee Gaha iyo Hangarka Hiliblayaasha ay si wada jira u wada bixiyeen lacag ku baxday UN- Habitat, hayadaha wadaniga ee gobalka Dawlada Hoose iyo weliba qaar kamida Ganacsatada.

MR Marco Vander Plas oo ka mida maamulka sare ee Hayada UN- Habitat ayaa isaguna waxaa uu daboolka ka qaaday in suuqyadani ay noqon doonaan kuwii ugu horeeyey ee qayb ka ah ilaa 6 Mashruuc oo hayadiisu ay ka wado qaar ka mid Magaalooyinka Somaliland ee waawayn oo ku saabsan horumarinta magaalooyinka, kuwaasi ay noqdeen qaybtii ugu horeeyey laguna guulaysto dhamaystirkooda.

Sarkaalkan UN- Habitat waxaa kale oo uu warkiisa ku sheegay in dhamaystirka mashruucani u fariin u dirayo Degmooyinka Somaliland ee uu weli ka socdo iyo weliba hayadaha Samafalka in ay ku soo dhiiradaan siday u fulin lahaayeen mashaariic wax ka tara baahiyaha Bulshada.

Sidoo kalena waxaa isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay furitaanka Cabdi Abokor Yusuf oo ka mid ah hawlwadeenada Hayada Shaqaalaha Aduunka oo ay iyadu dhinaca farsamada ka taageertay mashruucan, kaasi oo xusay in Suuqyada dhismaheeda ayna jawaabayaan sida adeega Dawlada Hoose loogu garab geli lahaa waxaana ugu baaqay ganacsatada loo dhisay Mashruucan inay joogteeyaan gacan ku haynta iyo Nadaafada.

Geesta kalena dhismaha oo dhismaheeda fulisay shirkada wadaniga VCC, dhismaha suuqyadan oo ay ka dhasheen cabashooyin ku saabsan saami qaybsiga bogcadaha ku yaala iyo weliba rarista dadkii degenaa horaantii mashruucan taasi o ay xilligan Dawlada Hoose u guulaysatay hir galinta Mashaariicda.

Reported: Yusuf Ibraarhim Warsame

Ilka Case, Burco Somaliland

Xagaa67@hotmail.com

No comments: