Dec 14 2007 (Somaliland Net) - Taliyaha ciidamada bilayska ee dalka JSL Maxamed saqadhi dubad ayaa qaddo sharaf maanta ugu sameeyay xubnaha Naadiga kubada cagta ee bilayska laguna magacaabo GOODIR , waxaana qado sharaftaa loogu sameeyey huteel xaraf ee magaalada hargeysa.
Kooxda goodir oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee kubada cagta ayaa sanadkan kaalinta labaad ka gashay ciyaarihii naadiyada kubada cagta ee heerka koowaad ee dalka jamhuuriyada Somaliland .
Martiqaadkan uu taliyaha ciidanka bilaysku usameeyay kooxda goodir waxaa goob joog ka ahaa wasiirada wasaaradaha , dhalinyarada iyo ciyaaraha , mudane maxamed siciid muxumed , waxbarashada , mudane xasan x. maxamuud warsame (gadhweyne) iyo warshadaha mudane maxamed saleebaan maxamed.
Munaasibadaasi waxa ugu horeyn hadal ka jeediyey , isugu jirey waano iyo wacyi gelin wasiirada waxbarashada iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha
Gebegebedii matiqaadkaasi waxa khudbad dheer ka jeediyey Taliyaha ciidanka booliska oo si qoto dheer uga waramay waxtarka ciyaaruhu uleeyihiin bar-barinta dhalinyarada iyo taariikhda faca-weyn ee ciidanka boolisku ku leeyihiin ciyaarta kubada cagta , isagoo tusaale usoo qaatay Ciyaartoy ka Caan Baxay Kubadda Cagta kana tirsanaa Ciidanka Booliska , kuwaas oo ahaa Ciyaartoy udhashay Dalka Somaliland lana kala Yidhaahdo Maxamed ismaaciil iyo Killer .
Taliyuhu waxa uu ku Booriyay Ciyaartoyga Goodir sidii ay ugaadhi lahaayeen Ciyaaraha dedaalkoodana ay halkaasi ka sii wadaan dhinaca Ciyaaraha Kubadda Cagta .
Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment