Hargeysa (Jam)- Xarumo loogu talogalay la talinta iyo baadhista cudurka dillaaga ah ee HIV/AIDS, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey laga kala furay cusbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa iyo cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee Edna Adan.
Furitaanka xarumahan oo qayb ka ah barnaamij ay ujeeddadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa ka hortagga cudurka HIV/AIDS, isla markaana loo taageeri lahaa daryeelka dadka la nool cudurkan, kaas oo hay’adda sanafalka ee Handicap International iyo wakaalada horuamarinta Faransiiska ay wadojir uga fulinayaan waddamada Somaliland, Djibouti iyo Ethiopia, ayaa waxa xafladdo loo sameeyey ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay wasaaradda caafimaadka, Komishanka Qaranka ee ka hortagga HIV/AIDS (SOLNAC), madaxda hay’adaha Handicap International, WHO iyo marti sharaf kale.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Md. Cabdi Haybe Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey xafladdii furitaanka xarumahan, ayaa ku tilmaamay barnaamijkan mid loo baahnaa oo wax weyn ka taraya hawlihii loogu jiray la dagaalanka cudurkan dillaaga ah ee HIV/AIDS.
Md. Cabdi Haybe, waxa kale oo uu sheegay in ay wasaarad ahaan ku dadaalayaan tayeynta iyo dardar gelinta hawlaha caafimaad ee cusbitaalada dawliga ah Somaliland, isla markaana waxa uu ku dhawaaqay in bilowga January ee 2008 ay mushaharka u kordhinayaan dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ka hawlgala goobahaas.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, Marwo. Adna Aadan Dhakhtar oo iyadana halkaa ka hadashaya, ayaa ugu horreyn ka xogwarrantay taariikhda bilowgii cudurka HIV/AIDS iyo saamaynta uu ku yeeshay aadamaha.
Marwo. Adna waxa ay aad uga dayrisay fiddida cudurka dillaaga ah ee HIV/AIDS, kaas oo ay ku tilmaantay in dadka uu haleelay u badan yihiin da’da u dhexeysa 18 ilaa 30 jir, oo ah da’dii wax soo saarka bini’aadamka, waxaanay ku talisay in loo baahan yahay foojignidii iyo dadaalkii lagaga hortagi lahaa khatartan ay u leedeen mujtamaca badani.
Marwo. Adna waxay bulshada Somaliland kula dardaarantay, gaar ahaan hawl-wadeenada goobaha caafimaadka in ay il naxariis leh ku eegaan, isla markaana sharaftiisa qofnimo dhawraan dadka uu haleelay xannuunkani, maadaama uu yahay qof mujtamaca ka mid ah.
Agaasimaha fulinta Komishanka Qaranka ee ka hortagga HIV/AIDS, Mr. Maxamed Xuseen Mu’adin, ayaa sheegay in arrintani ay wax weyn ka tari doonto hawlihii la dagaalanka cudurka ay hore u wadeen.
Masuuliyiinta ka tirsan hay’adda Handicap International, oo iyaguna xafladahaa ka hadlay ayaa wax ay faahfaahin ka bixiyeen ujeeddada mashruucan iyo waxyaabaha loo dan leeyahay, waxaanay furitaanka xarumahan ku tilmaameen in lagaga hortagayo fiditaanka cudurka HIV/AIDS, maadama ay jiraan dadku isaga gooshaan saddexdan dal ee Somaliland, Djibouti iyo Ethiopia, waxaanay xuseen in loo taababari doono dad ka hawlgala goobahaas la furay magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, waxa hadalo koobkooban ka jeediyey madaxa barnaamijka HIV/AIDS, ee hay’adda WHO iyo madaxa xarunta baadhista iyo dawaynta cudurka HIV/AIDS ee hay’adda SOLNAC, Dr. Wayrax, oo iyaguna ka warbixiyey khatarka uu leeyahay cudurkani iyo sida looga hortagi karo.
Hay’adda Handicap International, waa hay’ad madaxbannaan oo ku takhsustay arrimaha naafada iyo wacyigelinta miinada, waxaanna la aasaasay sannadkii 1982-kii, iyada oo ka kooban isku xidh siddeed urur, waxaanay ka shaqaysaa in ka badan 50 dal oo ku yaal shanta qaaradood ee adduunka.
Hay’adda Handicap International, waxay bilowday mashaariicdeeda ay ka wado Somaliland sannadkii 19992-kii, iyada oo fulisay mashaariic badan oo ay ka mid yihiin barnaamijka adeega dadka naafada ah, wacyigelinta khatarka miinada, isla markaana taageero u fidisaysay ururrada dadka naafada ahi ay leeyihiin. Waqtigan xaadirka ah waxay hay’adani bilowday barnaamijyo ku saabsan cudurka HIV/AIDS-ka.
Jamhuuriya Online
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment